Taariikh Nololeedkii Aabbaha Saxaafadda Soomaaliyeed
Maxamed Muxiyaddiin Cali Allaha u naxariistee.

Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Muxiyaddiin Cali ma dhiman ee waa dhuuntay, iyadoo 29-kii bishii Decembar gacan ka gardaran uu ku sababeysatay, kaddib markii qarax miino ah lala beegsaday xilli uu ka soo baxay hoyga uu ka deggan yahay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Marxuumku wuxuu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi miino ee dhagar qabayaasha ay dhigeen.
Maxamed Muxyaddiin wuxuu ahaa suxufi weyn oo muddo 23 sano ah ka soo shaqeynayey howlaha warfaafinta, iyadoo si weyn dalka iyo dibadda looga yaqaanay, wuxuuna muddooyinkii danbe ahaa Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana ahaa Agaasimihii Warfaafinta Gobolka Banaadir.

Wuxuuna muddo toddobo bilood ah uu hayey xilalkaasi iyadoo geeridiisa si weyn looga dareemay dalka & dibaddaba.
Maxamed Muxyaddiin wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu tegay taariikh lama ilaawaan ah, iyadoo lagu yaqiin daacadnimo, furfurnaan, calool jileec, deeqsinimo iyo qof walba oo uu saaxiib la noqdo, waxaanse la hilmaami karin doorkii Saxaafadeed ee uu ka soo qaatay dalka muddadii bur burka uu ka jirey dalka, isagoo tifaftire ka noqday wargeyskii ugu horeeyay ee laga soo saaro dalka markii xukuumaddii Kacaanka la riday, qoraal laguma soo koobi karo taariikhda Maxamed Muxyaddiin hase ahaatee waxaan aqristayaasha u soo gudbineynaa inta aan ka xasuusano.
1963-kii ayuu ku dhashay magaalada Muqdisho,waxbarashadiisa heerka dhexe iyo hoose wuxuu ku qaatay isla magaalada Muqdisho.
1986-kii ayuu dugsiga sare ee Macallin Jaamac uu ka baxay, xilligaasi ka hor wuxuu Maxamed Muxyaddiin uu waday howsha saxaafadeed ee uu noloshiisa ka soo bilaabay isagoo ka howlgeli jiray madbacadda Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan Wargeyskii Xiddigta Oktoobar ee ku hadli jiray codka dowladda, wuxuuna kartidiisa ay gaarsiisay in uu isku wado waxbarashada iyo howsha saxaafadeed.
Maxamed Muxiyaddiin wuxuu howsha saxaafadda uu ka dhaxlay aabihii Muxiyaddiin Cali oo sannadkii 1984-kii ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Maxamaed ayaase qabtay kaalintii aabihii uu kaga jiray howsha saxaafadeed, wuxuuna in muddo ah ka howlgaleyey Wargeyskii Xiddigta Oktoobar, iyadoo markii ay meesha ka baxday xukuumaddii uu hoggaamin jiray Jaalle Maxamed Siyaad Barre uu bilaabay in uu horay u sii wado ama abuuro saxaafad madax bannaan oo ka howlgasho dal 21 sano ku jiray kali talisnimo, wuxuuna aas-aasay Wargeyska XIDDIGTA PANORAMA oo ogolaasho looga helay inuu soo baxo wasiirkii warfaafinta dowladdii uu hoggaamin jiray Cali Mahdi Maxamed Mudane Maxamed Sh. Maxamuud Guuleed, wuxuuna durbadiiba uu bilaabay inuu soo saaro wargeyskaasi isagoo heshiis buuxa la galay madbacadda Qaranka ee uu xilligaasi ka shaqeynayey in lagu daabaco Wargeyska Panorama.

Wargeyska Xiddigta Panorama wuxuu noqday Wargeyskii ugu horeeyay ee ka soo baxa Muqdisho markii ay burburtay xukuumaddii Siyaad Barre, wuxuuna Maxamed Muxiyaddiin abuuray saxaafad Madax banaan oo ka hana qaato dalka Soomaaliya, taasoo uu ku muteystay sharaf iyo magac uu ku dhex yeesho bahda Saxaafadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.Waxaana durbadiiba dalka ka abuurmay Wargeysyo kale oo fara ku tiris ah kuwaasi oo maray wadadii uu jeexay Allaha u naxariistee Maxamed Muxiyaddiin Cali.
Maxamed Muxiyaddiin wuxuu ka qeyb qaatay shirarkii dib u heshiisiinta iyo kuwo kale oo looga hadlayey arrimaha dalka Soomaaliya ee lagu qabtay dalalka Geeska Africa isagoo door muuqda ka qaatay dib u heshiisiinta dalka muddadii kala guurka, waxaana laga xusi karaa shirarkii uu ka qeybgalay shirkii looga hadlayey arrimaha bini'aadanimada ee ka dhacay magaalada Addis Ababa sanadkii 1993-kii, shirkii dib u heshiisiinta ee Addis 1 iyo Addis Ababa-2 ee lagu heshiisiinayey hoggaamiyeyaashii dagaalka ee Cali Mahdi Maxamed iyo Gen. Caydiid, kaasoo markii danbe fashil ku dhamaaday, sidoo kale wuxuu door muuqda ka soo qaatay shirkii lagu soo dhisay dowladdii Carta ee C/qaasim Salaad Xasan, shirkii dib u heshiisiinta ee Kenya ee lagu soo unkay Dowladda Federaalka KMG iyo kuwo kale oo bini'aadanimada ku saabsan.
Allaha u naxariistee Maxamed Muxiyaddiin wuxuu ku mudeystay mudadii dowlad la'aanta arrimaha saxaafadda ammaan, dhaliil, hanjabaadyo iyo caga jugleyn ugu imaaneysay maamulladii kala duwanaa ee dalka ka soo maray, iyadoo dhowr jeer ay dhacday in uu isaga tago gudaha dalka sababo la xariira ammaanka, wuxuuna culeyskii ugu adkaa uu ugu yimid xilliyadii dagaalada sokeeye ee maamulki Cali Mahdi ee ka talin jiray Waqooyiga magaalada Muqdisho, Maxkamaddii Islaamiga ee Sh. Cali Dheere, Dowladdii C/qaasim Salaad Xasan oo dhowr jeer isku dayday in maxkamad la soo taago balse awoodi weysay in gacanta lagu soo dhigo maadaama dalku uu ahaa mid ay ka talin jireen qabqablayaal dagaal.
Bishii Febraayo 2004-kii wuxuu Maxamed Muxiyaddiin ka qeybgalay shirweyne ay isugu yimaadaan dhalinyarada Africa oo xiriir la leh Mareykanka (21st Century African Youth Movement, wuxuuna la soo galay heshiis buuxa oo dhigayey in marka dalka Soomaaliya uu ammaan noqdo in uu noqon doono wakiilka Soomaaliya, balse rabshadaha jira awgeed ay suurtagal noqon weyday wuxuuna ku ekaa oo kaliya xubin ka tirsan ururkaasi.

Shahaadooyinka-
June. 1998- BBC World Service Journalism Course -Hargeysa
May. 2000 Life & Peace Institute- Horn of Africa Program/ Civic Education Program, Media Training Funded Bay EU, Implemented Bay Life and Peace.
Febraayo.2006- wuxuu casuumaad ka helay ururka Wacyi gelinta iyo ka hortaga Aidska shirweyne uu soo qaban qaabiyay Hoggaamiyaha Nelson Mandela, kaasoo ay ka qeybgalayeen aqoonyahano ka kala socday 130 dowladood isagoo matalayey dalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa abaal marino guddoonsiiyay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Hey'addaha u dooda xaquuqda aadanaha ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa iyagoo ku amaanay kaalinta uu ka qaatay u doodista xaquuqda iyo xadgudubyada loo geysto beelaha aan hubeysneyn iyo dadka laga tirada badan yahay, isagoo intii karaankiisa ah shaqsiyan wax u qaban jiray, sidoo kale wuxuu hey'addaha samafalka gaarsiiyay dhibbanayaal ay soo gaareen cuduro iyo waxyeelo rasaas kuwaasoo uu u qabtay daryeel caafimaad iyo mid dhaqaale.
Sidoo kale waxaa abaal marin guddoon siiyay mas'uuliyiinta daryeelka caruurta iyo haweenka ee SOS oo ku amaanay dadaalka iyo howlkarnimada uu muujiyay, wuxuuna ka qeybqaatay baahinta howlaha baaxada leh ee ay SOS u heyso hooyada iyo dhalaanka.
Kaaalinta uu ka qaatay horumarinta Sportiga oo aan la soo koobi karin, isagoo noqday oo loo doortay Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Sportiga Soomaaliyeed isla markaana aas- aasay Wargeyska GOS oo ku hadli jiray magaca guddiga Olombikada Soomaaliyeed, kaasoo ka faaloon jiray horumarka Sportiga Soomaaliya, wuxuuna guddoomay shahaadooyinka ugu sareeyee ee ururka GOS, CAF iyo FIFA.
Gabagabadii bahdii uu ka geeriyooday iyo dhalinyaradii uu tababaray Maxamed Muxiyaddiin Cali waxay wadaan qorshe ay ku abuurayaan hey'ad u dooda xaquuqda aadanaha oo isaga loogu magac daro iyo mid lagu abuurayo kuwo samafal iyo tababaro dhinaca saxaafadda ah oo ay dhalinta soo koreysa ka faa'iideysan doonaan aqoontii uu ugu tegay Aabaha Wargeysyada Madaxa bannaan ee ka soo baxa Muqdisho kuwaasoo dhawaan la soo bandhigi doono iyo buug ka hadlayo waxqabadkiisii aan lagu soo koobi karin hal qormo oo muujineysa inuusan dhiman ee uu dhuuntay, Innaa Lilaah Wa Inaa Ileyhi Raajucuun.

Cali Muxiyaddiin Cali
Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya
Midnimo Information Center
No comments:
Post a Comment